Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta

War Murtyeedkii kaso baxay Shirkii Dhab u Heshiinta Qaran

Gaba-gabadii Shirka ayaa laga soo saaray War Murtiyeed

1. In ergooyinka loo soo bandhigo nuqulka 1aad ee Hannaanka Dib-u-heshiisiinta Qaran ayna xaqiijiyaan Hannaanka

2. In latashigii ugu dambeeyey iyo wixii talooyin iyo tusaale ah laga uruuriyo dadka Soomaaliyeed Si loo gaaro ujeeddooyinkaan, waxaa hab-socodka shirka wadatashiga loo agaasimay labo qaybood oo ku astaysan yoolka Shirweynaha iyo qaybo dhextaal ahaa oo isugu jirey suugaan iyo khudbado dhammaan kaabis u ahaa midho-dhalka shirka.

Labada qaybood oo kala ahaa: B. In ergooyinkii Shirweynaha loo jeediyey mawduucyo aasaas u ah gaarista Hannaan dib-u-heshiineed oo loo dhan yahay, si qoto-dheerna u qeexaya nuxurka uu yeelan karo hannaankaasi iyo heerarkiisa kala duwan. Qaybtaan waxaa lagu lafa-guray mawduucyada hoos ku qoran;

Kaalinta Odayaasha Dhaqanka ee Dhab-u-heshiinta Qaran
Kaalinta Culimada Soomaaliyeed ee Dhab-u-heshiinta Qaran
Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed iyo Dhab-u-heshiinta Qaran
Kaalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhab-u-heshiinta Qaran
Kaalinta Qurbajoogga ee Dhab-u-heshiinta Qaran
Kaalinta Bulshada Rayidka ah ee Dhab-u-heshiinta Qaran
Muhiimadda iscafinta dadka Soomaaliyeed
Muhiimadda daaweynta damiirka qofka Soomaaliyeed (tiiraanyo-bixin)
Xog–ururintii Ergada Shirweynaha

Ergooyinka shirweynuhu, iyagoo ku salaynaya macluumaadkii ay xambaarsanaayeen qaybaha tiirarka HDQ ku dhisan yahay ee loo soo jeediyey, waxaa u suurtogashay in ay si sahlan, u fariistaan isla markaana u talooyin dhaxal-gal ah u soo jeediyaan HDQ si loogu kordhiyo nuqulka ugu dambeeya HDQ. Si loo helo xogo dhammaystiran oo abbaaraya macluumaadka loo baahan yahay, waxaa ergada loo qaybiyey su’aalo hagaya una fududaynaya in talooyin dhaxal gal ah ku soo kordhiyaan HDQ. Nuxurka Shirka Kasoo Baxay

In dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, u diyaar-garoobaan Dhab-uheshiin run ah.
In Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran yahay mid ka turjumaya baahida iyo waayaha dhabta ah ee dalku ku sugan yahay
Si Dhab-u-heshiinta waarto loo helo, laga wada raali yahay oo xanaf-tiran, waa in la hirgeliyo Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran oo ay Golaha Wasiirrada Qaranka ansixiyaan si loo soo celsho kalsoonidii iyo walaaltinimadii dadka Soomaaliyeed ee colaaddu kala irdhaysay
In la is barbar wado dhammaystirka dawladnimo iyo dhab-u-heshiisiinta bulsho, si ay labadaasi isu kaalmeeyaan
In hirgelinta dhab-u-heshiisiinta iyo hogaamintiisuba ay noqdaan kuwo Soomaaliyi iska leedahay, u madax-bannaan tahay, oo gacanta ku hayso bilaw ilaa dhammaad
In maalinta is-cafiska looga dhawaaqo dalka.
Baaqa Shirka

Shirku waxa uu ku baaqayaa:

In Dowladdu ay sida ugu dhaqsiyaha badan u meel mariso Hannaanka Dhab-uheshiinta Qaran (HDQ) si loo soo afjaro isbar-baryaaca arrimaha dib-uheshisiinta ee in ka badan 27 sano ka socday dalka.
In dowladdu mudnaan gaar ah siiso dhaqaalena u qoondayso qorshaha la socda Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran.
In dowladdu mudnaan gaar ah siiso deminta khilaafyada hadda taagan ee dhiiggu ku daadanayo si hanaanka dawladnimadu u hanaqaado.
In la taageero oo la tayeeyo hay’adaha iyo qaybaha bulshada ee u xil-saaran deminta khilaafyada iyo mushkiladaha ergooyinka shirku xogtooda uruuriyeen.
Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo istaraatiijiyada iyo qorshaha dib-uheshiisiinta, isla markaana si degdeg ah looga hawl galo colaadaha taagan ee nabadda wax u dhimaya.