Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta

Waxqabadka

 

Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya
GUDDIGA MADAXA BANAAN EE DIB U HESHIISIINTA QARANKA

Soo Gudbin Warbixin Kooban oo kamid ah Waxqabadka GDQ Mudadii uu Jiray oo Taariikhaysan.

HORDHAC:

Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka waxaa la aas’aasay 09/06/2005, waxaana ansixiyey Golaha Baarlamaanka 01/01/2006, kadibna waxaa lagu soo saaray xeer madaxwayne Sida ku cad Qodobka 68aad ee Axdi qarameedkii kumeel gaarka aha.

GDQ wuxu ka koobanyahay 30 xubnood oo u dhisan sidan:

  1. Guddiga Fulinta oo ka kooban 5 xubnood, (Guddoomiye, Guddomiye kuxigeenka 1aad, Guddoomiye kuxigeenka 2aad, Xog-haye maaliyadeed & Xog-hayah Guddiga).

Guddi hoosaadyada Guddiga oo kala ah

  1. Guddiga Qorshaynta iyo Daraasaadka (6 xubnood)
  2. Guddiga Anshaxa (6 xubnood)
  3. Guddiga Wactigelinta (7 xubnood)
  4. Guddiga Kormeerka iyo Hubinta (6 xubnood)

Guddi walba oo kamid ah guddi hoosaadyadaas wuxu leeyahay Guddoomiye iyo Xog-haye u gaar ah. Guddiyadani waxay warbixin joogta ah ka soo gudbiyaan hawlahooda si loola socda dhaqdhaqaaqooda shaqo. Waana awoodda ugu muhiimsan ee fuliya inta badan hawlaha guddiga dib-uheshiisiinta qaranka.

Waxaa xusid mudan in aan guddi hoosadyadu helin haba yaraatee wax dhaqaala ah oo ay u kaashadaan gudashada xilkooda.

Waxaa kale oo guddiga la shaqeeya 10 xubnood oo ah shaqaalaha rayidka ah oo ka howl gala xarunta Guddiga.

ARAGTIDA GUDDIGA DIB-U-HESHIISIINTA QARANKA EE KU AADDAN GEEDDI SOCODKA DIB-U HESHIISIINTA DALKA

Guddiga dib u heshiisiinta qaranku wuxuu rumeysan yahay in dib u heshiisiintu saldhig adag u tahay xal u helidda khilaafaadyada siyaasiga ah iyo kuwa aan siyaasiga aheynba ee ka dhexeeya Dadweynaha Soomaaliyeed.

Waxaan qabnaa in aan awood milatari oo kaliya lagu xallin Karin mushkiladaha siyaasaded ee dalka ka oogan, balse ay jiri karaan qaabab kale oo loo xallin karo mushkiladahaas.

Waxaan aaminsannahay in dadka soomaaliyeed dhamaantood door wax ku ool ah ku leeyihiin taaba galinta dib u heshissiin buuxda oo dhex Marta mujtamaca soomaaliyeed, iyadoo laga faa’iideysanayo waaya aragnimadii laga helay dib-uhesiintii faraha badneed ee dalka laga sameeyay mudadii dhawr iyo labaatanka sano ee la soo dhaafay, lana xasuusanayo sababihii fashiliyay inta badan hannaankii dib-uheshiisiineed ee dalka soo maray.

Sido kale, GDQ wuxu rumaysanyahay in aan la samaynin Dib u heshiisiin mug leh tan iyo marki la dhisay dowladihii KMG-ka ahaa iyo kuwii aan kumeel gaar ka aheynbo.

Sidaas daraadeed, kaalinta dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahayd in ay gacan wayn ka gaysato dib u heshiisiin waarta oo u dhaxaysa ummadda Soomaaliyeed.

QAABKA DIB U HESHIISIINTA:

Qaabka dib u heshiisiinta dalka waxay noogu muuqataa in ay ka koobnaato labadaan qaybood oo isku adeegayo.

  • Dib U Heshiisiinta Bulshada Deegaanada
  • Dib U Heshiisiinta Siyaasada

DIB U HESHIISIINTA SIYAASADDA:

Dib uheshiisiinta siyaasadda Mabda’ ahaan waxaan qabnaa in dowladdu wadahadal la gasho lana heshiiso cid kasta oo soomaali ah ee ka soo horjeedda islamarkaana oggol in ay miiska wada hadalka soo fariisato, ayadoo aan wax sharuud ah ku xirin.

Arrinta ku saabsan wada hadalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland waxaan u aragnnaa fursad waxbadan la sugayay una-baahan in aan la lumin, waxaana ku talinaynaa in horey loo sii anba qaado wada hadallada bilowday hadii loo baahdana la muujiyo tanaasulaad ballaaran iyadoo aan wax loo dhimayn midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

DIB U HESHIISIINTA DEEGAANNADA EE BULSHADA

Guddiga Dib-uheshiisiinta Qaranka waxaa u qorshaysan in degmooyinka gacanta dowladda ku jira  laga sameeyo wacyigelin iyo dib-uheshiisiin ku saabsan in dadka deegaanndaas ku nool marka hore fikirkooda la mideeyo kaddibna loo dhiso maamul ay heshiis ku yihiin iyadoo laga soo billaabayo salka hoose ee dhismaha bulshda, sida, tuulo, degmo iyo gobal, si looga nabad galo jeermiska dilaaga ah ee la magac baxay looma dhammo, anigu kama qayb galin IWM.

Dib u heshiisiinta noocaan ah waxaa fulinteeda si mug leh uga wada-qayb galaya dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida, hogaamiye dhaqameedyada, culimada diinta, bulshada rayidka, haweenka, dhalinyarada, ganacsatada, iyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Dib u heshiisiinta deegaanada waxaa lagu dadaalayaa in lagu abuuro jawi nabadeed oo lagu wada tashan karo laguna wada shaqeyn karo kaasoo ku dhisan dareen waddaniyaded oo himiladiisu tahay midnimada iyo qiyamka umadda soomaaliyeed si meesha looga saaro muuqaalada aan wanaagsaneeyn ee ka dhashay Dagaaladii sokeeye ee Dadka soomaaliyeed kala fogeeyay.

Waxaa xusid mudan doorka lama dhaafaanka ah ee wacyi galintu ku leedahay dib u heshiisiinta iyo isu soo dumidda dhismaha bulshada soomaalida cusub ee xiliga kala guurka.

Haddaba si himiladaasi ay usuurta gasho guddiga Dib-uheshiisiintu wuxuu xiriir shaqo oo dhaw la sameeynayaa dhamaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta si sare loogu qaado wacyi gelinta Bulshada ee ku aaddan arrimaha Dib u heshiisiinta.

Warbaahintu waxay kaalinta koowaad ka ahayd howlihii dib u heshiisiineed ee Guddigu soo qabtay muddadi uu jiray.

Sidaas darteed waxaan halkaan hoose ku xusi doonnaa waxyaabihi qabsoomay iyo kuwi qabsoomi waayey sababo jiro awgood.

  • Deegaanka Iidaale oo ka tirsan Degmada Beydhabo:

Jan 20 2007 GDQ wuxu heshiis dib u heshiisiined dhax dhigay beelaha (Yantaar iyo Hubeer) oo ku dagaalamay degaanka Iidaale, dagaalkas oo ay ku dhinteen 106 qof in ka badana ku dhaawacmeen, waxaa kaloo ka dhashay Barakac baahsan. Alle mahadi Guddiga waxa u suurto gashay in uu isu keeno beelihii dirirtu ka dhaxaysay halkaasna ay isku cafiyeen si wada jir ahna u bilaabeen dhismihi magaalada Iidaale oo marki hore dagaalladi lagu gubay.

  • Degmada Qansax Dheere

06 Feb 2007 GDQ waxuu dib u heshiisiin kala dhex dhigay beelaha Ujuuraan iyo Geledle oo ku dagaalamay Degmada Qansax Dheere. 

  • Kismaanyo

Dec 2007 6 xubnod oo ka tirsan GDQ ayaa howlo dib u heshiisiineed u tagay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ku dhex dhexaadiyeen Beelo walaalo ah oo deegaanka wada dega oo kala ah Sade iyo Kablalax, waxeyna halkaas ka sameeyeen Baraarujin iyo wacyi galin ku saabsan Arimaha Dib u heshiisinta ayagoo la kulmay dhamaan Beelaha wada dega Gobolka si aay xog-ogaal ugu noqdaan nuxurka leysku haayo halkaasoo ay joogeyn muda laba bilood ah, waxaana lagu guuleystay in meel la isugu keeno Beelihi ay colaadu dhex martay, iyadoo loo balamay in Bisha maarso 2008 la qabto shirweyne balaaran oo aay ka qeyb galayaan dhamaan Beelaha ku wada nool Gobolka, nasiib daro inta aan mudadi la gaarin maamulkii Gobolka waxaan la wareegay Dagaal-yahanada Al Shabaab.

  • Kulanka Hotel Kaah:

Feb 2007 GDQ wuxu ku qabtay Hotelka Kaah ee magaalada Muqdisho workshop balaaran oo loga hadlayeyy Nabadda, dib u heshiisiinta iyo Wada noolaashaha umadda Soomaaliyeed.

Waxana ka soo qayb galay 250 qof oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, dhalinyarada iyo haweenka. Waxaana goob joog ka ahaa madax sare oo ka kala socotay beesha caalamka iyo Ra’iisul wasaarihi Xukuumadda ee xiligaas.

Aqoon is weydaarsigaan ayaa soconaayey mudo 7 Maamlmood ah, xiligaas oo aheyd marki Dowladu xamar u soo guureysey.

  • Degmada Wanlawayn:

Dec 2007 GDQ wuxuu dhax dhaxaadin ka sameeyey laba beelood oo ku diriray deegaanka Wanlawayn kana wada tirsan beesha Gaaljecel. Dagaalladaas oo ay ku dhintaan 43 qof kuna dhaawacmeen 70 qof.

Dhaxdhaxaadintaas oo ay soo afjareen xubno ka tirsan GDQ Iyo labada gole ee dowladda oo uu hugaaminaayey wasiir kuxigeenka gaashaandhiga Cumar dheere, xil. Macalin jiis iyo xil.cali faanto, Dagaalladaas oo wada saameeyey gobollada Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Sidoo kale, waxaa GDQ ku guulaystay in maleeshiyaadkii dirirtu ka dhaxaysay meel isugu keeno Lana walaaleeyo kadibna lagu wareejiyey Dowladdi KMG ahayd si ay uga mid noqdaan ciidamada qalabka sida.

  • Deegaanka Boocame oo ka tirsan gobolka Nugaal:

April 2007 GDQ wuxuu dhax dhaxaadiyey beelaha Majeerteen iyo Dhulbahante ee ku dagaallamay agagaarka Magacleey iyo Boocam, 2 xubnood oo ka tirsan Guddiga ayaana ka qayb galay soo afjaridda is faham waaga labada beelood.

  • Deegaanka Manaas:

19 April sanadkii 2007 GDQ wuxuuu dib u heshiisiin dhax dhigay beelaha Eelaay iyo Hadamo oo ku diriray deegaanka Manaas halkaasoo lagu gaaray heshiis dhamaystiran.

  • Shirwaynihi Dib u Heshiisiinta Beelaha Soomaliyeed ee Muqdisho lagu qabtay:

June 2007 GDQ wuxuu soo xulay ergooyinkii ka qeybgalay Shir waynihii dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee lagu qabatay magaalada Muqdisho, wuxuuna ergooyinkaas ka kala keenay dhamaan gobollada dalka.

  • Ololaha Todobaadka:

Jul 2007 GDQ wuxuu fuliyey barnamaij loogu magac daray Ololaha Todobaadka iyo Nabadda Soomaaliya, wuxuuna ka fuliyey gobolada kala ah: Kismaayo, Garowe, Gaalkacyo iyo Baydhabo.

  • Turxaan Bixinti Shirwaynihi Dib u Heshiisiinta Beelaha ee Soomaaliyeed:

Aug 2007 GDQ wuxu soo dhax dhaxaadiyey khilaafaadki ka soo baxay shir waynihii dib u heshiisinta beelaha Soomaaliyeed ee ku qabsoomay Magaalada Muqdisho.

  • Degmada Diinsoor:

May 2007 GDQ wuxu dhax dhaxaadiyey laba maleeshiyo beeleed oo dhowr jeer ku dagaallamay jidgooyooyin badan oo ay dhigteen inta u dhaxayso Baydhabo iyo Diinsoor. Waxaa lagu guulaystay in la qaado jid gooyooyinkaas.

  • Shirkii Dib U Heshiisiinta ee Jabuuti:

Xubno ka tirsan GDQ waxay ka qeyb galeen shirkii qaran ee dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Djibouti bishii May 2008 laguna dhax dhaxaadinayey isbahaysigii Dib u Xoraynta Soomaaliya iyo Dowladdi Kumeel gaar ka aheyd, dhaxdhaxaadintaas oo lagu guulaystay kadib waxaa lagu ballariyey dowladdi KMG ahayd.

Dhacdadaas taariikhiga ah GDQ wuxu ku lahaa kaalin aad loo amaanay sida ay qireen ergooyinkii ka qebgalay shirkaas.

  • Kulan Wadatashi ah

11 April 2011 GDQ waxuu soo qaban qaabiyay kulan balaaran oo looga hadlaayey Arimaha dib u heshiisinta iyo fahanka qabyo qoraalka Dastuurka maadaama Dastuurku yahay Heshiis bulsho oo dadka ka dhaxeeyo, kulankaas oo aay kaso qeyb galeen Ururada Bulshada, Haweenka, Wasaaraddda Haweenka iyo Gudiga madaxa banaan ee Qabyo Qoraalka Dastuurka .

Kulankaan oo diirada lagu saaray sidii leysaga kashan lahaa arimaha Dib u heshiisinta Dalka, taageerada iyo dhameystirka qabyo qoraalka Dastuurka iyo kaalinta Haweenka Soomaaliyeed kaga jiraan Arimaha dib u heshiisiinta.

  • Gobolka Mudug

7 July- 7 Sep 2011 GDQ waxuu howl Dib u heshiisiineed u tagay Deegaanka Dhagtuur oo ka tirsan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug halkaas oo aay ku dirireen laba beelood oo ka kala tirsan Degmooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado.

Xubnaha GDQ waxeey halkaas ku sugnaayeen mudo laba bilood ah Guddiga waxuu beelaha walaalaha ah ee Colaadu dhex martay gaarsiiyay fariin nabadeed hayeeshe laguma guuleysan in lasoo af jaro Colaadaas sababo badan oo jira dartood.

  • Kulan Wacyi galin

23 Sep 2011 GDQ waxuu soo qaban qaabiyay kulan balaaran oo loogu magac daray Baraarujinta wacyi galinta Bulshada, kulankaan oo aay kasoo qeyb galeen dhamaan qeybha kala duwan ee Ururada Bulshada , Gudoomiye-yaasha iyo Guddigayada 16ka Degmo ee Gobolka Banaadir Odeyaasha, Culimaa,udiinka, Abwanaada, Suugaanleyda iyo guud ahaan waxgarad magac iyo maamuus ku leh Bulshada dhexdeeda.

Kulan-weynahaas waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul wasaarihii Xukuumadii kumeel ka aheyd ee xiligaas Dr. C/weli Cali Gaas, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Guddiga Dib u Heshiisiinta Baarlamaanka iyo Duqii Magaalada Muqdisho ee xiligaas.

Barnaamijkaan Baraarujinta iyo wacyi galinta waxaa hadalo kasoo jeediyay Madaxda Qaranka iyo kaqeyb galayaasha barnaamijkaan waxaana aad loogu amaanay qaban qaabadiisa iyo soo bandhigidiisaba GDQ.

  • Kulan aqoon is weydaarsi ah

13/11/2011 GDQ waxuu soo qaban qaabiyay aqoon is weydaarsi ku saabsan isdhexgalka Bulshada oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho, worshop-kaan oo hal maalin soconaayey aayna kaso qeyb galeen 130 Xubnood oo ka kooban qeybaha bulshada, Guddomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Guddiyada Fulinta ee Degmooyinka, Ururada Bulshada Rayid ka ah oo lagu soo bandhigay Qodobada soo socda:

  1. Sided u aragtaa Nabadda Xamar ka hana qaaday & sidii loo sii adkayn lahaa?
  2. Sided u aragtaa isu soo dhawaashaha & is dhaxgalka bulshadii kala irdhoowday ee hadda ku soo wada laabtay deegaannadoodiin ay horay uga qaxeen.
  3. Sidee aragti midaysan iyo fikir wada jir ah looga qaadan karaa dadka dhibaatada ka wada bulshada dhaxdeeda.
  4. Qodobadaan oo aay talo mideysan kasoo saareen ka qeyb galayaasha Siminaarka waxaa gunaanadkiisi Khuqdbado kala duwan kasoo jeediyay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Guddiga Dib u Heshiisinta Qaranka, Wasiiru Dowlaha Dastuurka iyo Arimaha Dib u heshiisinta mudane Xasan Maxamed Jimcaaale , Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Dr. C/laahi Goodax Barre, madaxdaan waxeey si wadajir ah u sheegeen mudnaanta uu leeyahay aqoon isweydaarsiga nuucaan ah, waxeyna amaan u jeediyeen Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka.
  • Kulan Dardar Galin Dib u heshiisiinta oo lagu qabtay Hotel Central:

14 May 2014: GDQ wuxuu qabtay kulan looga hadlayey dar dar gelinta Dib u heshiisiinta dalka ayna ka soo qeyb galeen Xildhibaano, masuuliyin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, odayaal dhaqameed, ururka Haweenka qaranka iyo kan Gobolka Banaadir, Culamaa’uddiin iyo marti sharaf kala duwan.

Kulanka ayaa waxaa qudbado kala duwan ka soo jeediyey madaxdii iyo marti sharaftii ka soo qeybgashay kulanka, waxaana aad loo falanqeeyey mushkiladda ka taagan qaar ka mid ah gobollada dalka iyo sida xalka lagu heli karo.

Ugu dambayn, waxaa halkaas laga aqriyey war murtiyeedki ka soo baxay kulanka kaasoo gunaanadkii kulanka uu aqriyey Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macallin Muuse.

  • Gobolka Shabeelaha Hoose

Sep 2014 GDQ asagoo gudanayo waajibaad kiisa qaran isla markaana tixgalinaayo waraaq rasmi ah oo uu soo qoray Wasiirka Arrimaha Gudduha iyo Faderaalka wuxuu hogaanka guddigu u tagay gobolka shabeelaha hoose howlo dib u heshiisiineed si uu u dhex dhexaadiyo beelaha Habargidir iyo Biyamaal oo dagaal ku dhex maray Demada Marka.

Dedaal dheer kadib waxaa lagu guuleystay in labada beelood la dhex dhigo xabad joojin balse nasiib darro nabadaas ma noqon mid sii jirta oo dagaaladii dib ayey u bilowdeen muddo kadib.

  • Shirwaynihi Dib u Heshiisiinta  Beelaha wada dega Jubbooyinka:

16 Sep 2014 waxaa Muqdisho ka duulay xubno ka tirsan GDQ, waxayna u amba baxeen magaalada Kismaayo halkaas oo lagu qabtay shir wayne dib u heshiisiin oo lagu dhax dhaxaadiyey beelada dega Jubbooyinka.

Guddiga Dib u Heshiisiinta wuxuu shirkaas ku lahaa dowr muhiim ah, wuxuuna garwadeen ka ahaa habsami socodka shirka intii uu socday. Shirkaas oo lagu dhax dhaxaadiyey laguna heshiisiiyey dhaman beelaha dega gobollada Jubbooyinka ayaa ujeedadu ahayd in ay ka wada mid noqdaan maamulka Jubbaland.

Xubnaha GDQ ayaa magaalada Kismaayo howshaas u joogay muddo ku dhow bil, waxayna dhaxdhaxaadiyeen beelaha wada dega Jubbooyinka iyadoo maalinba laba qolo la wada hadashiinayey. Ugu dambayn, Shirwaynaha ayaa waxuu kusoo dhamaaday guul iyo is Af-garad.

  • Gobolka  Mudug:

January/08/2014- xubnihii guddiga ka joogaya gobolka mudug waxay u amba bexeen Deeganada iyo tuulooyinka Bursaalax, Dudun, Dogob, Bilicil Quraan, Meygaago iyo Ceelqaanso iyaga oo lasocda Isimada dhaqanka ee deegaanadaas, si ay u damiyaan colaadaha halkaas kajiray oo qabaa’ilka dhexdooda ah, halkaas ay ku maqnaayeen 13 bari, Alla Mahadii waxaaa lagu guulaystay in la joojiyo colaadaas.

03 April 2014- waxaa dilal kadheceen deegaanka Galxamur ee xuduudka u dhexeeya kililka shanaad iyo gobolka mudug halkaas oo ay dad iskaga dileen labo beelood oo degaankaas wada daga waxayna kala yihiin [Reer Mahad iyo Reer Khalaf].

Waxgaradka kunool deegaanka oo aan ahayn labada beelood iyo guddiga waxay aadeen dhexdhexaadin labadaas beelood si ay u joojiyaan dhiigaas daadanaayo, Waxayna ku guuleysteen joojinta Dagaaladaas  kadibna si loo dhameystiro arintaas waxaa losoo wareejiyay magaalo madaxda gobolka ee Gaalkacyo halkaasoo GDQ iyo odayaashi dhexdhexaadinaayey iyo waliba qaar kamid ah madaxda maamulka Puntland waxay iskugu yeereen shir wayn oo kadhacay Golden Hoteel, ee magaalada gaalkacyo halkaas oo layskugu celiyey hubkii lakala qaatay iyo duugtii, magtiina looga balamay waqti kale, iyadoo laga saxiixay isimada kasoo kala jeeda labada dhinac, (Islaam Bashiir Islaam Cabdulle iyo Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise).

June/09/2014: Gudigu wuxuu ka qayb galay shir lagu nabadeynaayey beelo colaadi ku dhax martay deegaannada Xalin, Timirka, iyo aaga Xasbahale, colaaddas oo lagu guulaystay in la dhamaystiro.

  • Gobolka Hiiraan:

Colaadaha ka jira Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanada Kabxanleey iyo Deefoow halkaasoo colaad xoogan ku dhax martay beelaha Xawaadle iyo Surre, Guddigu wuxuu gogol nabadeed u fididyey labadaas beelood sanadki 2014, waxaana gogoshaas ka soo qayb galay beesha Xawaadle, waxayna noo ballan qaadeen in ay dhinacooda joojinayaan colaaddaas, balse waxaa ka cudur daartay beesha Surre sababo aanan naloo caddaynin.

Sidoo kale, Guddigu wuxuu xubno u diray gobolka Hiiraan, degmada Balad wayne si loo soo xalliyo colaadda, wuxuuna la kulmay labada beelood hayeeshee colaadaas xal lagama gaarin.

Hadda dagaal ma socdo, mana jiro heshiis laga gaaray colaaddaas.

  • Gobolka Galgaduud:

Waxaa kajira dagaal beeleedyo aan wali lagu guulaysan in lasoo afjaro oo hada ka socda bariga Gobolka Galgaduud taas oo u baahan xal deg deg ah .

Sidoo kale Dagaal kale ayaa hada ka socda Degmada Caabud-Waaq ee Gobolka Galgaduud oo u dhaxeeya Beelo walaalo ah oo wada dega halkaas isna ilaa hada xal lagama gaarin iyana waxeey u baahan tahay in deg deg wax looga qabto.

  • Gobolka Shabeelada Dhexe

Gobolka Shabeelada Dhexe Waxaa ka jira dagaal Beeleedyo waqti badan qaatay oo welina ka aloosan Gobolka kuwaas oo badanaa dhex maro Xoolaleey, Beeraleey iyo aanooyin qabiil. Dedaalo badan oo lasameeyey  kadib waxaa  lagu guulestay in la soo afjaro qaar ka mida colaadahaas sida colaadda muddo dheer soo jirtay oo u dhaxeysay beelo wada daga gobolka gaar ahaan magaalada Jowhar sida Walamooy iyo Maxamed Muuse oo lagu guulaystay in la soo afjaro sanadkii 2015.

Guushaas waxaa kaalin hormuudnimo leh ka qaatay Guddomiyihii hore Gobolka Shabeelda Dhexe Cali Guudlaawe. Waxaa hadda gobolka ka soconayo dagaallo noocoodu ku cusubyahay deegaanada gobolkaas sida in la gubay magaalooyin qadiimi ah oo ka mid tahay Xawaadleey, Burdhere iyo kuwa kale oo ka wada tirsan Gobolka, waxayna u baahantahay xal deg deg ah.

  • Dhismihii Dowlad Goboleedka Hirshabeelle

Sep 2016 Xubno ka tirsan GDQ oo uu hogaaminaayey Gudoomiye Ku xegeenka 2aad ee Guddiga ayaa ka qeyb galay shirweynihii Maamul usameynta Dowlad Goboleedka Hirshabeele Guddigu waxoow u xil saranaa Xalinta Khilaafaadka ka dhasha saami qeybsiga Beelaha waxaana Guddiga soo gaaray 43 Dacwo oo cabasho ah oo aay soo gaarsiiyeen Beelihii ka qeyb gaalyey shirweynaha, dhamaan Cabashooyinkaas Guddiga waxuu ka gaaray xal aay ku qanceen inta badan Beelihii soo dacwooday.

  • Kulan Dar dar gelin Dib u Heshiisiinta iyo Taaageeridda Baaqii Madaxwaynaha:

15 Maarso 2017: Kulan uu soo qaban qaabiyay Guddiga Dib u heshiisinta Qaranka  kuna saabsanaa  Dardargalinta Dib u heshiisinta iyo taageerida baaqii madaxweynaha ee ahaa Dib u heshiin ayaa  lagu qabtay Xarunta Dowlada hoose ee Xamar waxaana kaso qeyb galay Wasiiro, Xilibaano, ururda Bulshada iyo Masuuliyiin mataleysay  Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa Goobta hadalo ka jeediyay Marti sharaf aad u qiimo badan oo aay ka mid ahaayeen Xilibaan Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi, Xilibaan Maxamed Cumar Dalxa, Xilibaan C/laahi Goodax Bare , Wasiir ku xegeenka Xanaanada Xoolaha C/naasir Gaarane , Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab, waxaa soo xiray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale waxeey dhamantood isla qireen muhimada Dib u heshiisiinta iyo in la joogo xiligii loogu baahida badnaa waxeeyna ku bogaadiyeen Guddiga inuu laba laabo kalaintiisa iyo dedaalada uu ku xaqiijinaayo Arintaan.

Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka oo kulan wada tashi ah la yeeshay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

20.11.2017 Xubno kamida Guddiga dib u heshiisnta Qaranka oo uu horkacaayo Gudooomiyaha Guddiga ayaa Raisul wasaarihi hore Cali Maxamed Geedi kulan kula yeeshay hoyga uu ka degan yahay Muqdihso,Reysal wasaaraha ayaa mid mid u gacan qaaday Xubnaha gudiga kadibna waxaa bilowday Shir gaar ah oo aay wada yeesheen Xubnihii Gudiga iyo Reysal Wasaaraha.

Gudoomiyaha Gudiga ayaa hadalka furay kana jeediyay goobta Hadal muhiim ah oo la xariira heerarkii kala duwnaa ee uu soo maray Gudigu iyo sida uu ku sugnaa mudadaas iyo waliba qoraaladii iyo xogihii dib u heshiisinta ee uu aruuriyay Guddiga, waxaa kale oo uu goobta ka sheegay in Gudigan uu yahay kii aay xukumadiisu u gudbisay Baralamaanka Qaarna aay dhinteen inteey shaqada ku jireen Qaarna aa ka tageen, halka xubnaha intii badneyd aay weli ka mid yihiin Guddiga .

Intaas kadib waxaa hadalka loo soo wareejiyay Ra,isul Waraaha oo hadalka qaatay soo dhaweyn, mahad celin iyo Is xasuusin kadib waxuu codsaday in Salaan laga gaarsiiyo Xubnaha kale ee Guddiga, waxuu sheegay ineey nasiib daro tahay uuna ka naxay hadalada goobta ka yeeray oo uu sheegay ineysan aheyn wax loo dul qaaden karo “ waan ka xumahay in %70 Xabnaanadii aad u baahneyden aaden helina waana nasiib daro, Xiligeygi waxaan ku jirnay Dagaal hadane waxaan jeclaa inaan ilaaliyo Moral-ka Guddiga “ sidaa waxa yiri Ra’isul wasaare Geedi.

Kulan Guddi Dib u heshiisinta Qaranka uu ku hortagay Golaha Aqalka Sare

Taariikhdu marki ay ahayd 10/12/2017 ka waxaa golaha aqalka sare hortagay Guddiga Madaxa Banaan Ee Dib U Heshiisiinta Qaranka kulanka oo uu shir guddoominaayey Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare mudane: Abshir Bukhaari oo ugu horayn ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Guddiga Dib U Heshiisiinta aqalka sare oo faah faahin ka bixiyey in guddiga madaxa banaan ee dib u heshiisiinta qaranka uu maanta soo gudbin doono waxqabadkiisa, caqabadihii qabsaday iyo qorshaha shaqo ee u dagsan kadibna waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Guddoomiyaha GDQ mmudane: Ismaaaciil Macalin Muuse oo ugu horayn golaha uga mahadceliyey soo dhawaynta ay u sameeyeen sidoo kalana guddoomiyaha wuxuu warbixin dheer mudanayaasha kasiiyey GDQ markii la aasaasay iyo waxyaalihii ugu muhiimsanaa ee guddiga u qabsoomay asagoo faahfaahiin dheeraada kabixiyey qorshaha shaqo ee guddiga sanadkan 2017 iyo caqabadihii qorshahaas qabsaday,

Intaas kadib mudane Abshir Bukhaari ayaa guddiga uga mahadceliyey warbixinta qiimaha leh ee ay u soo gudbiyeen golaha wuxuuna carabka ku adkeeyey inay guddiga kala shaqayn doonaan sidii wax looga badali qodobada sharciga ee kahadlaayo qaab dhismeedka guddiga sidaas ayuuna shirka ku soo xiray.

Kulan dhex maray wasiirka arrimaha gudaha iyo guddiga dib u heshiisiinta qaranka

14-02-2018 kulan ayaa dhex maray Xubno kamida Guddiga Dib u heshiisinta Qaranka iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Ugu horeyn guddoomiyaha guddiga oo hadalka furay ayaa wasiirka uga mahadceliyey inuu aqbalay kulanka uu guddigu ka codsaday, isagoo sii raacsaday sadax talo oo usoo jeedinayo Wasaarada ineey kala shaqeeyaan Wasaarada waxaana kamid ahaa :-

  1. Inuu guddigu sii shaqeeyo oo shaqadiisa lagu taageero inta laga soo dhisaayo guddigii badali lahaa oo aan naladhihin guddigii hore illeen sharci ahaan wali annaga ayaa ah guddi sharci ah inta nalaga badalaayo sifo sharciga kudhisan
  2. Haddii guddi cusub ladhisaayo in tixgalin nala siiyo maadaama aan khibrad badan u leenahay dib u heshiisiinta dalka isla markaana xubnaha  cusub laga soo laga soo dhex xulo kuwa hadda jooga
  3. Waxaan kale oo ku xasuusin lahaa gunnada aan ku shaqayno inaytahay mid aad uga yar tan ay qaataan guddiyada kale waxaana xubnaha guddigu qaataan bishii $900 oo kaliya

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha oo hadalka qaatay ayaa ugu horayn guddiga uga mahadceliyey booqashadoda iyo sida ay u danaynayaan gudashada waajibaadkooda qaran ayna gacan siineyso wasaaradu.

Shirka dib u heshiisiinta Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Taariikhda markii ay ku  begneed 26/03/2018 Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shirweyne dib u heshiisiin ah oo ay kasoo qeybgaleen  Xubnaha ugu sarreeyo Dowladda Federaalka Soomaliya oo ay ka mid ahaayen Raiisul wasaare Hasan Ali Kheyre Guddoomiyha Aqalka sarre Cabdi xaashi, wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Guddoomiyaha Dib u heshiisiinta qaranka soomaliyeed Ismaaciil Macali Muuse

shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaraada arrimaha gudaha iyo federalka ayaa waxaa lagu heshiisiinayay beelaha wada daga Degmada Marka ee xarunta Gobalka shabeelada hoose.

Degmadan ayaa hore waxaa uga dhacay dhibaatooyin kala duwan oo aay kamid ahaayeen  dagaalo beeleedyo sababay dhimasho, Barakac muwaadiniin Reer Marka ah sidoo kale arrintaas ayaa colaad daba dheeraatay ka abuurtay Degmada  marka iyo dhamaan Gobolka.

Odayaal, waxgarad iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka ayaa ka soo qeybgalay Shirka, kaas oo ka furmay  SYL hotel ee magaalada Muqdisho, waxaana laga soo saaray qodobo labada dhinac ku heshiiyeen.

Shirka Wadatashiga Hanaanka Qaran Ee Dib U Heshiisiinta

18 August 2018 Xubno katirsan Guddiga dib u heshiisiinta oo uu hugaaminaayo guddoomiyaha guddiga mudane Ismaaciil Macalin Muuse ayaa ka qaybgalay shirka wadatashiga hanaanka qaran ee dib u heshiisiinta dalka kaa oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderaalka Iyo Dib U Heshiisiinta waxaana loo qabtay hay adaha dowladda.

Kusimaha wasiirka ahna wasiiru dowladaha wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderaalka Iyo Dib U Heshiisiinta Mudane  Cabdullaahi Faarax Weheliye oo furay shirka ayaa shegay in muhiimadda shirkaani u furmay ay tahay in lahelo hanaan sal adag leh oo lagu wajaho dib u heshiinta,

Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaranka mudane ismaaciil macalin muuse oo shirka kahadlay ayaa ku dheeraaday faah faahin dheerna kabixiyey nooca iyo qaabka loo heshiisiin karo umadda soomaaliyeed ee colaaduduhu ragaadiyeen asagoona shirka ka sheegay in ay kol horaba wasaaradda iyo labada gole ee baarlamaankaba u gudbiyeen aragtida guddiga ee hanaanka qaran ee dib u heshiisiinta dalka.

Xarunta Irshaad oo qabatay Dood cilmiyeed ku saabsan Kaalinta dib u heshiisiinta

25/7/2018 Xarunta Irshaad ayaa qabatay Dood cilmiyeed ku saabsan kaalinta dib u heshiisiintu ku leedahay wada noolaanshaha Bulshada Soomaaliyeed iyo dib u soo kabashada Qaranka Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Xubno uu hor kacaayey Gudoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka iyo dhamaan hal-doorada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada  Soomaaliyeed sida Xildhibaano, Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka, Golaha Dhaqanka iyo Nabadaynta Soomaaliyeed, Siyaasiyiin,  Aqoonyahanno, Cullimo iyo  Dhalinyaro.

Gudoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macallin Muuse  oo dooda ka hadlay ayaa  sheegay  baahida loo qabo dib u heshiisiin Qaran, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ay jiraan arrimo badan oo weli aysan ka heshiinin Bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa cod dheer ku sheegay in dib u heshiisiintu fure u tahay xasiloonida iyo horumarka wadanka waxana uu tusaale u soo qaatay hababkii lagu xaliyay dagaaladii isir sifaynta ahaay ee ka dhacay wadamada Rwanda iyo South Africa iyo qaabkii looga heshiiyayba,wuxuuna tilmaamay heerka ay marayso dib u heshiisiinta iyo caqabadaha Jiro.

CAQABADAHA:

  1. Muddadii uu Guddigu soo shaqeynayey wuxuu la kulmay caqabdo kala duwan oo gaabis ka dhigay howlo badan oo Guddigu qaban lahaa. Waxaan halkaan hoose ku tilmaami doonaa Caqabadihii ugu waaweynaa ee hor istaagay habsami u socodka howlaha guddiga
  2. In dowladihi KMG ahaa iyo kuwi ka dambeeyey ee aan KMG ka ahaynba iyo Beesha caalamka aysan taageero buuxdo siinin Guddiga si uu u guto waajibaadkiisa shaqo.
  3. Guddiga aan loo madax banaanayn howshii dib u heshiisiineed ee uu u xil saarnaa, taas badalkeedana Wasaaradaha qaarkood iyo madaxda qarankuba la wareegeen shaqadi Guddiga iyagoo u magacaaba Deegaanada wax ka dhacaan Xubno u dhashay deeganadaas oo la yiri waa u fara dhuudhuuban yihiin.
  4. Tix galin la, aan Guddigu kala kulmay Dowlada dhexe markuu u baahdo inuu la kulmo si uu ugu gudbiyo Howlo muhiima ah oo ku saabsan Dib u heshiisiinta Dalka.
  5. waxaan ku xasuusineynaa inaan Gudigaani helin haba yaraatee Mudadu uu jiray wax qoondo miizaaniyyadeed ah oo loogu tala galay fulinta howlaha Dib u heshiisiinta Dalka marka laga reebo Gunno Bileed kooban oo aad uga hooseeya tan aay qaataan Xubnaha kale ee Guddiyada madaxa banaan.
  6. Xiliyada qaarkood intooda badan Gobolada Dalkoo kala xirnaa oo aan leysaga gudbi Karin sababo amaan darteed.
  • TALO SOO JEEDIN:
  1. Mabda’ ahaan waxaan qabnaa in dowladu wada hadal la gasho lana heshiiso cid kasta oo Soomaali ah oo ka soo horjeeddo isla markaana oggol in ay miiska wada hadalka soo fariisato.
  2. Somaliland: Arrinta ku saabsan wada hadalka soomaaliya iyo somaaliland waxaan u aragnnaa fursad waxbadan la sugayay una-baahan in aan la lumin, waxaana ku talinaynaa in horey loo anba qaado wada hadallada bilowday hadii loo baahdana la muujiyo tanaasulaad ballaaran iyadoo aan wax loo dhimayn midnimada iyo wadajirka Qaranimada Soomaaliyeed.
  3. Gaalkacyo: Kadib markii Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka uu marar badan howlo dib u heshiisiineed u tagay isla markaana u kuur galay xaaladda dhabta ee ka jirta magaalada Gaalkacyo wuxuu talo ku soo jeedinayaa iney lagama maarmaan tahay in xal siyaasadeed oo waafi ah laga gaaro arinta Gaalkacyo taasoo ka duwan xaaladaha kajira deegaanada kale ee dalka.
  4. Shabeellada Hoose: Colaad beeleedyada ka jira Gobolka Shabeellada Hose gaar ahaan coladda ka dhaxeeysay Biyo Maal iyo Habar Gidir waxay noola muuqataa arrin u baahan dib u heshisiin siyaasadeed, waayo colaadahaas waxay noqdeen kuwo rixim goys ah oo ay ku baaba’een dad iyo duunyaba, waxaana ka dhashay bara kac baahsan. Sidaas darteed waxay noola muuqataa in loo helo xal siyaasadeed.
  5. Ahlusunna Waljamaaca: GDQ wuxuu talo ku soo jeedinayaa in wada hadal wax ku ool ah laga sameeyo arrinta u dhaxeyso Ahlusunna iyo Galmudug si loo soo afjaro is faham waaga siyaasadeed ee ka taagan Gobollada dhexe lana xoojiyo wadahadalada hadda socda.
  6. Alshabaab: dalku wuxuu u baahan yahay xasilooni iyo daganaasho siyaasadeed

Haddaba waxay noola muuqattaa in ururka alshabaab lala sameeyo dib u heshiisiin siyaasadeed si meesha looga saaro muuqaalada aan wanaagsanayn ee hadda jira.

  1. In la qiimeeyo oo la miisaamo xajmiga iyo inta uu la egyahay khilaafaadka u dhaxeeyo Soomaalida; lana raadiyo xalka ugu haboon ee lagu soo afjari karo
  2. Waxaan ku talinaynaa in la abaabulo shir wayne qaran oo ay isugu imaanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida siyaasiyiinta, aqoonyahannada, culamaa’uddiinka, hogaamiye dhaqameedyada, haweenka, bulshada rayidka, dhalinyarada guud ahaan waxgaradka Soomaaliyeed. Gogoshaan nabadeed oo ujeedadeedu tahay is cafin, isu tanaasul, isu celin wixi hanti muuqato ee la kala haysto, isu garaabid waxyeelladii la isku gaystay, abuuris niyad Sami iyo isku uur xaarid run ah. Waxaan ula jeednaa in qabaa’illada Soomaaliyeed ka heshiiyaan dhibaatadii kala gaartay mudadi dhowr iyo labaatanka sano ahayd ee la soo dhaafay, shir waynahaasna uu ka soo baxo heshiis bulsho oo loo dhanyahay (Social contract) kadibna lagula xisaabtamo cidii jebisa.
  3. Ugu dambeyn waxaan madaxda qaranka, maamul goboleedyada iyo beesha caalamka xasuusineeynaa in la joogo waqtigii shacbiga Soomaaliyeed soo ceshan-lahaa wada jirkiisii, wada noolaashihiisii iyo midnimadiisii, ayadoo laga gudbayo kala fogaashaha dhinaca fikirka ah iyo dagaallada sokeeye ee ka jira deegaannada qaarkood, taasoo ubaahan in shacbiga Soomaaliyeed la-dhaxdhigo dib-uheshiin run ah , si looga heshiiyo dhibaatooyinki dhax maray mudadi dhowr iyo laabaatanka sano ahayd ee la soo dhaafay. Intaas kadib, waxaan si kalsooni leh uga cudur daaranaynaa in aan GDQ ku wada guulaysan dhamaan himilooyinkiisii ahaa in uu ka miro dhaliyo geeddi socodka dib u heshiisiinta dalka sababo badan oo jira dartood, sidoo kale waxaan amaan iyo bogaadin u jeedineynaa cid kasta oo gacan ka geysatay ama hadda ku hawllan nabadeynta iyo heshiisiinta umadda soomaaliyeed, ka qayb-galka dib-u heshiisiintu waa xil taariikhi ah oo dusha ka saaran muwaaddin kasta oo Soomaali ah iyo bulshada caalamka.

Mahadsanidiin