Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta

Kismaanyo: Doorka Guddiga Dib U Heshiisiinta Qaran Ee Magaalada Kismaanyo

Dec 2007 6 xubnod oo ka tirsan GDQ ayaa howlo dib u heshiisiineed u tagay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay ku dhex dhexaadiyeen Beelo walaalo ah oo deegaanka wada dega oo kala ah Sade iyo Kablalax, waxeyna halkaas ka sameeyeen Baraarujin iyo wacyi galin ku saabsan Arimaha Dib u heshiisinta ayagoo la kulmay dhamaan Beelaha wada dega Gobolka si aay xog-ogaal ugu noqdaan nuxurka leysku haayo halkaasoo ay joogeyn muda laba bilood ah, waxaana lagu guuleystay in meel la isugu keeno Beelihi ay colaadu dhex martay, iyadoo loo balamay in Bisha maarso 2008 la qabto shirweyne balaaran oo aay ka qeyb galayaan dhamaan Beelaha ku wada nool Gobolka, nasiib daro inta aan mudadi la gaarin maamulkii Gobolka waxaan la wareegay Dagaal-hyanada Al Shabaab.