Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta

Hanbalyo iyo Bogaadin Afmeerida Colaadii Wagardhac iyo Sacad

Guddiga Madaxa banaan ee Dib u Heshiisiinta Qaranka waxuu bogaadinayaa Gunaanadka Gogosha Nabadeed ee lagu soo gunaanaday Colaada Beelaha Walaalaha ah ee Wagardhac iyo Sacad taas oo 6dii Bishaan lagu soo gabagabeeyay Afur wadajir ah oo loogu sameeyay Muqdisho.

Gudoomiyaha guddiga waxuu mahad celin balaaran iyo bogaadibna u dirayaa Sama Jeclayaasha Soomaaliyeed, Odeyaasha labada dhinac iyo Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Cid waliba oo gacan ka geystay Afmeerida iyo dhamestirka Coladaas.

Colaadaha Beelaha ee la xiriirta Dhul daaqsimeedka Dhul Biyeedka iyo deegaankuba waa dhibaatooyinka ugu daran ee ragaadiyay Horumarka iyo Wada noolshaha, Sidaas darteed Guddigu waxuu ugu baaqayaa Sama jeclayaasha Soomaliyeed iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta yareynta Coladaas ineey u istaagaan arintaan.