Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta

Baaq Nabadeed

Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Heshiisiinta Qaranka waxuu ugu baaqayaa dhamaan Wax-garadka Aqoonyahanka iyo Maamulka Galmudug ba in Xal waraa lagu soo dabaalo Colaadaha Qabiil ee ka taagan Deegano kamida Goboladda Mudug iyo Galgaduud, gaar ahaan Colaadaha Aanooyinka Qabiil ee wayadaan danbe kasoo cusboonaaday Deeganadaas.

Guddigu waxuu Sama jeclayaasha Soomaaliyeed ugu baaqayaa laga shaqeeyo Nabadda iyo Wadanoolashaha Reeraha Soomaaliyeed ee Ood wadaagta ah.