Xubno uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Guddiga Dib u heshiisinta Qaranka Mudane ismaaciil Macalin Muuse ayaa kulan wada tashi iyo sidii loo howl-galin lahaa guddiga kula yeeshay Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Mudane Xasan Cali Kheyre xafiiskiisa.
kulanka aya alooga hadlay muimada Dib u heshiisinta iyo Dowrka aay ku leedahay Nabadeynta Dalka waxaana Gudoomiyaha Guddiga Mudane Ismaciil Macalin muuse oo warbixin ka siiyay Ra’isul wasaaraha Wax-qabadka Guddiga iyo Xaaladiisa iyo waliba qorsheyaasha Guddiga ee Sanadkaan.
Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ayaa qiray Howsha adag iyo Xaalada adag ee aay kusoo shaqeeyeen Guddiga isagoo balan qaaday in hada waxii ka danbeeyo la laba-laabi doono howlaha Guddiga lana shaqa galin doono Guddiga, Maadaama Waayadii danbe aay hakad galeen arimo la xiriira Sharciyadda Guddiga,
kulanka ayaa kuso dhamaaday is afgarad iyado lagu balamay in si degdeg ah loo howl galinaayo Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka