Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee dib u heshiisinta Qaranka Mudane Ismaaciil Macalin Muuse iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Guddiga Mudane C/risaaq Ibraahin Axmed iyo dhamaan Xubnaha Guddiga waxeey baaq colaad joojin u dirayaan dhamaan Beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamya Deegaanada Dalka gaar ahaan Dagaaldii ugu danbeeyay ee ka kala dhacay degaanada Burdheere oo shabeelada dhexe ah iyo Xeraalka oo Galgaduud ah.
Dagaalka kasoo cusboonaaday Deegaanka Burdheere ayaa galaaftay nolosha 30 qofood iyo tiro Dhaawac ah kaaso dhex maray beelo walaalo ah oo wada dega halkaas, dagaalka ayaa salka ku haayo Isqab-qabsi dhuleed .
Sidoo kale Dagaalka kale ee kasoo cusboonaaday Deegaanka Xeraale ayaa u dhaxeeya Beelo Walaalo ah oo wada dhashay waxaana ku dhintay ku dhawaad 40 Qofood, waxaana barakac kasoo gaaray Dadka deegaanka .
Hadaba Guddiga dib u heshiisinta waxuu ugu baaqayaa Beelaha Dirirtu u dhaxeeyo ineey dagaalka joojiyaan, aayna wada hadal ku dhameeyaan waxii ismaan-dhaaf ah ee u dhaxeeyo .
Dhamaan Waxgaradka Bulshada, Culimaa udiinka iyo dhamaan Sama jeclayaasha waxeey ugu baaqayaan ineey ku baxaan colaada qof waliba uu ka geysto waxii kaga aaden joojinta Dhiiga walaalaha.
KA QEYB-GALKA DIB U HESHIISIINTA WAA XIL TAARIIKHI AH OO SAARAN CID KASTA.