Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta

Guddiga oo hortagay Golaha Aqalka Sare

19/01/2023 Guddiga Madaxa Banaan Ee Dib U Heshiisiinta Qaranka ayaa kulan kula qaatay Xarunta Aqalka Sarre Guddiga Arimaha Gudaha, Dib U Heshiisiinta Iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada Ee Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka oo ahaa isbarasho iyo su,aalo laga waydiiyey GDQ shaqadiisa,

Ugu horayn waxaa kulan ka furtay Senator. Deeqa Xasan Xuseen oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dib u Heshiisiinta Aqalka Sare ayaa GDQ ku soo dhawaysay Xarunta Aqalka Sare ayadoona isbarasho kadib laguda galay dhagaysiga warbixin laxariirta waxqabadka Guddiga iyo waxa u qorshaysan, Guddoomiyaha GDQ mudane Imaaciil Macalin Muuse ayaa sharaxaad ka bixiyey waxqabad ka Guddiga asagoo sidoo kalana ku dheeraday qorshaha faaafaahsan ee Guddiga sanad ka 2023.

Qaar kamida xubnaha GDQ ee shirka ka qaygalay ayaa talooyin ku saabsan baahida dib u heshiisiineed ku biirayey kulan ka.