Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta

DHIBAATADA SOOMAALIYA DIB U EEGID IYO FALANQEYN

11/07/2019 Dr. Cabdiraxman M Cabdullahi Badiyow oo ah la taliyaha Ra,isul-wasaraha dhinaca Nabadeynta iyo dib u heshiisiinta ayaa ugu qabtay Hoygooda  Guddiga madaxa banaan ee dib u heshiisiinta Qaranka Dood ku saabsan DHIBAATADA SOOMAALIYA, DIB U EEGID IYO FALANQEYN.

waxaa kulanka goob joog ahaa dhamaan xubnaha Guddiga iyo Shaqalahaba waxaan hadalka furay Xoghayaha Gudiga waxuuna kuso dhaweeyay Gudoomiyaha Guddiga isaguna waxuu kusoo dhaweeyay Prof Cabduraxmaan Baadiyow oo bixinaayey casharka.

Professor ka oo hadalkiisa ku bilaabay Dowlad soomaaliyeed goorme soo bilaabatay wuxuu sheegay in dadbadan aaminsan yihiin in 60kii soo bilaabatay balse soomaaliya 60kii ka hor ay lahayd nidaamyo ka horeeyay isticmaarka,sida boqortoyadii Ajuuraan iyo Axmed gurey  kuwaaso xukamayay dalka 300 sano ka hor isticmaarka, sidoo kale wuxuu xusay in  isticmaarki ay ku qaadatay in soomaliya ay  xukumaan 100 sano kadib  kasoo bilaaw taariikhda 1827 ilaa 1927.

Professorka sidoo kale wuxuu aad ugu dheeraday waxa Somaliya dumiyay iyo sida looga heshiin karo taasoo uu sheegay in laga fiiriyo waxa soomaliya dumiyay sadex qodob

  • Qaabka loo loodhisay
  • Madaxdii xilalka loo dhiibay oo aan waajibaadkooda si wanaagsan u gudan ama aqoon feecan u lahayn.
  • Iyo dibada oo looga yimid dalal shishiiye oo dano gaar ah leh.

Sidoo kale wuxuu sheegay in soomalida ay iska dhahdo aniga waxaa ahay wadani lakin wadaniga dhabta waa qofka ilaaliya sharciga dalka sidoo kale uu leyahay aqlaaq wanaagsan

Dr. Baadiyow ayaa qodbo badan ka shaafiyay Xubnaha una falanqeyay dhibaatad jirta iyo sida looga bixi karo, waxaa gabagabada hadalka qatay Gudoomiyaha Guddiga Mudan eIsmaciil Macalin Muuse oo u mahad celiyay Drka sida anaagsan ee uu cilmigiisa uga faaiideyay xubnaha Guddiga.