Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta

Guddiga Dib u heshiisiinta waxuu Baaq Colaad joojin ah u dirayaa Dagalada sokeeye ee ka socda Degaanada Kaxandhaale iyo Degmada Maxaas

Xili aay soo kordhayeen waayadii danbe Dagaalada sokeeye ee ka socda Gobolada iyo degmooyinka Dalka ayaa Guddiga Dib u heshiisnta Qaranku Baaq Colaad joojin ah u diray dhamaan Dagalada sokeeye ee Dalka ka socda xili uu shir jaraaid ku qabtay Xarunta Guddiga ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Guddiga Mudane Ismacil Macalin Muuse ayaa warbaahinta kula hadlay xafiiska Guddiga isago ugu baaqay dhamaan Beelaha Walaalaha ah ee dirirtu dhexmarexso ineey joojiyaan dagaalada ayna wada fariistaan si xal looga gaaro dhibaatooyinka jira.

waxuu sidoo kale ugu baaqay Samawadayaasha isku xilqaamay daminta colaadaha socda ineey laba labaan dedaalkooda ku aaden nabada iyo dib u heshiisinta .

sidoo kale waxuu sheegay in Guddigu xubna u diri doono dhamaan Goobaha aay ka socdaan Colaadaha intii karaan ah ee aay Awoodaan Guddigu.

Guddiga Dib u heshiisinta Qaranka ayaa tan iyo 2004tii ka shaqeynaayey howlaha Dib u heshiisinta Dalka iyagoo howlo muhiim ah ka qabtay Dib u heshiisnta Dalka.