Maalinimadii Kahmiista 15 Decemmber Xubno ka tirsan Guddiga Dib u heshiisinta oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Guddiga ayaa safar shaqo u aaday Magaalada Caddale, ujeedada Safarka ayaa ahaa in Guddiga kaalintiisa ka qaato howlo dib u heshiisiinta oo laga dhex waday Qabiilo deegaanka ku dagaalamay kuwaas oo arintooda ay cadadle u fadhiyeen Imaamka Ugaaska iyo Odeyaasha dhaqanka Beelaha dirirtu dhex martay.
Wafdiga Xubnaha guddiga waxaa Cadale kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Dib u heshiisinta Maamulka Hirshabele oo Galabnimadii Casirka gaaray Cadale si uu usoo dhaweeyo Xubnaha Guddiga, waxuuna Xubnaha Guddiga iyo gudoomiyahaba uga hor yimid banaanka Magaalada isaga oo aay la socdaan Odeyaal waxaana intaas kadib Guddiga iyo Wafdigooda la geeyay Guri loo diyaariyay, waxaana halkaas loogu sameeyay Hadimo sharfeed iyo sodhaweyn heer sare iyadoo logu xoolo qalay halkaas.
Intaas kadib Xubnaha Guddiga ayaa kulan la yeeshay Mid kamida Beelaha Cadale oo colaad horay u dhex martay uu guddigu qeyb ka ahaa Dib u heshiisiintooda isagoo xiligaas kala dhex dhigay xabad joojin balse aan si buuxda loo dhameestirin Colaada, Beesha ayaa Guddiga usoo jeedisay in la dhameystiro Heshiiskaas laguna daro Gogosha loo fadhiyo Cadale marka laga soo jeesto.
Odeysha Beesha Celi Cumar oo gogisha dhigay ayaa furya hadalka waxeyna ku wareejiyeen Gudoomiyaha Guddiga iyo Xubnaha kale ee Guddiga, Gudoomiyaha Guddiga ayaana u balan qaaday in arintooda la dhameystiri doono laguna dari doono marka aay soo dhamaato Dib u heshiisinta Beelaha iminka Dagaalkooda loo fadhiyo.
Xubnaha Guddiga, Wasiirka Dib u heshiisinta ayaa intaas kadib u ruuqaansaday goobta aay taalo gogosha Dib u heshiisinta waxeyna halkaas kulan kulmeen Imaamka Abgaal, Ugaaska abgaal iyo Gudomiyaha Dib u heshiisnta Beelaha Dagaalamay oo ay wehlinayaan Gudoomiyaha Cadale ku xigeenkiisa iyo dhamaan matalaaysha Beelaha dirirtu dhex martay ee Dib u heshiisintooda loo fadhiyo.
Gudoomiyaha Guddiga Dib uheshiisnta Beelaha Dagaalamay Nabadoon Cali jeesto ayaa Guddiga ka siiyay Warbixin kooban halka aay marayso dib u heshiisinta isagoo tilmaamay in Gudigoodu soo qimeyay qasaaraha kala gaaray reeraha isago ku qiimeeyay Naf ahaan 43 Qof halka qasaaraha Maaliyadeed iyo diyaba uu ku sheegay 2 Milyan oo Dollar.
Nabadoon Cali Jeesto ayaa Guddiga oo wakiil ka ah dowlada ka codsaday in Qarashkaas ay rabaan ineey kala kaashadaan Dowlada Kaalinteedana ka qaadato dib u dajintii dadkii barakacay Tuulooyinkii la gubay, balse howshu ay dhawdahay lana saxiixay Heshiis kaliyana ay ka dhiman tahay inyar oo farsamo ah oo ay ka mid tahay ineey aruuriyaan Qasaaraha yaalo iyo sumalkii iyio sumaeyntii dhaqanka u ahayed Beelaha Abgaal.
Waxaa intaas kadib qabsaday Wasiirka Dib u heshiisinta Hirshabele Wasiir Cabdulaahi Cadde soo dhaweyn kadib waxuu bogaadiyay howshii la qabtay isagoo ku dhiiri galiyay Ugaaska imaamka iyo Guddiga ineey howshaan sii wadaan ‘ Cidii 35 maalin oo ay fadhiyeen Dadkii dadkaan ugu sharafta badan agadaasheeda Ciddi wax ka jarin rabtaay ka jog’ sidoo kalena waxuu yiri qofkii wax sameeyo yana la qabiileen ee la shaqsiyadeeyo intaas kadib waxuu so dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga Mudane ISmaaciil Macalin Musse.
Gudoomiyaha “Ugu horeyn waxaan rabaa Magaca Guddiga inaan hanbalyo iyo Bogaadin idinkuugu soo jeediyo howsha aad qabateen waana ka weyn tahay wax beni aadam abaal mariyo fadaaisha ay leedahay howlaha aad qabateen, sidoo kale Odeyaasha reeraha ee garawsaday soo jeeidnta dhexdhexaadiyaasha qaatayna warkooda.
Waxuu ku booriyay in sidoo kale Reero horay xaajadooda xamar loogu galay oo wada dega Caddale iyana la dhameestiro arintooda oo aan weli la dhameestirin “ waxaan ka xunahay in xiligii xabadu socotay oo aan ognahay dhibaatadeeda aanu imaan”.
Ugaasm Maxamuud Cali Ugaas oo isna hadalka qabsaday ayaa sheegay in Xubnaha Guddigu ay yihiin Wafdigii ugu sareeyay marka laga yimaad kii Madaxweynaha ee soo booqda Cadale una yimaad arinta /dib u heshiisinta Beelaha uuna kaga mahad celinaayo imaanshiyaha Guddiga Degmada Caddale.
Sidoo kale Imaamka Abgaal ayaa guddiga ku amaanay Imaanshiyahooda iyo sida aay iskuugu xilqaameeyn Nabadeynta Reeraha walaalaha ah ee Colaaduhu dhex mareen, waxuuna carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay nidaan dhaqan iyo mid Dowli ahba marka reero is dagaalaan.
Imaamka ayaa yiri In idinkoo Soomaali oo dhan iskuugu jiro aad noo timaadaan waxeey na galineysaa dhiig cusub iyo inaan dardar galino shaqadii aan heynay sidoo kale Beelaha diririray waxeey u tahay sharaf ineey maqlaan Codka Dadkaan Soomaali oo dhan iskuugu jira ee arintooda kusoo baxay waxaana filaa ineey ka faaideystaan aqbaalana maslaxada.




