Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta

Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa kormeeray Shaqaalaha Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka

Guddiga Shaqaalaha Rayidka, Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo Xubno ka socday Xafiiska Raisul Wasaaraha oo waday waayadaan Kormeer aay ku samenayaan Shaqa Galka iyo Hubinta shaqaalaha ayaa kormeer ku sameeyay Shaqaalaha Guddiga Dib u heshiisinta Qaranka Maalintiii Sabtida 11 Marso 2023.

Dhamaan Shaqaalaha Guddiga oo ka kooban 11 Shaqaale ayaa maray Kormeerka waxaana hor kacaayey Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Guddiga.