Gudoomiyaha Guddiga Madax banan ee dib u heshiisiinta Qaranka Mudane ISmaaciil Macalin Muuse iyo dhamaan Xubnaha Fulinta Guddiga waxeey Hambalyo udirayaan Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka iyo dhamaan shaqalaha weynaha Soomaliyeed waxayna ugu hambalyeeynayaan Maalinta Shaqaalaha aduunka ee 01/MAY.
Waxaan idin leenahay hambalyo sanad guuro wacan dhamaan Guddiga iyo Shaqaalaha Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka, waxaana idiin rajaynaynaa in uu Alle idinku gaarsiiyo Sanadkan sanadkiisa Caafimaad iyo Howlkarnimo.