Xubno ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u heshiiisnta Qaranka oo uu Hogaaminaayey Gudoomiyaha Guddiga Mudane Ismacil Macalim Muuse ayaa ka qeyb galay shirweynihii qaran oo loogu magacdaray soo Bandhigidda iyo Xaqiijinta Hanaanka Dhab U Heshiinta Qaran Somaliya ee wasaaradda arrimaha gudaha faderaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa daahfurtay kaas oo socday 19- 21 Febraayo 2019.
Shirweynaha waxaa ka qeyb galay Xubnaha Labada Aqal ee Dowlada, Wasiirada ka tirsan Xukuumada Guddiga Dib u heshiiisnta Qaranka, Masuuliyiin ka socotay Maamul Goboleedyada, Aqoonyahano Soomalai ah Dalka iyo Xubno ka coday Beesha Caalamka .
Daahfurka shirka waxaa Qudbado ka jeediyay Maasuliyin aay ka mid yihiin Gudoomiyaha Golaha Aqlka Sare Mudane Cabdi Caashi Ca/laahi Gudoomiyaha Guddiga Hoosaadka Dib u heshiisinta Baarlamaanka Ghaandi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshsiisnta Cabdi Maxamed Sabriye iyo waliba Gudomiyaha Guddiga Dib u heshiisinta Qaranka mudane Ismaaciil Macalin Muuse .
Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta qaranka oo hadal ka jeediyey furitaanka shirka ayaa waxaa ugu horayn xukuumadda ugu hambalyeeyey gaar ahaan wasaaradda arimaha gudaha howshaan wanaagsan ee dhab u heshiinta loogu magacdaray.
Waxuu meesha ka sheegay in Dib u heshiintu guud ahaan aay u qeybsanto labo qaybood oo kala ah
- Dib U Heshiisiinta Siyaasadda
- Dib U Heshiisiinta Bulshada
Gudoomiye Ismacalil ayaa yiri “Wax talo ku soo jeedin lahaa in deegaanadda iyo tuulooyinka soomaaliya guud ahaan laga sameeyo dib u heshiisiin dhab ah isla markaana inta meel lays kugu keeno inta taladu ka go’do loo qabto shirweyne halkaasna soomaali isku cafiso”.
Waxaa sidoo kale guddoomiyaha asagoo hadalka sii watto sheegay inay lagama maarmaan tahay dhamaystirka dastuurka dalka isagoona xusay qodobo qaar aysan suurta gal ahayn haddii aan ladhamaystirin in howshaan laqabto sida qodobada qaar ee ka hadlaayo dhisamaha guddiga runta iyo dib u heshiisiinta, iyo waliba sidoo kale in hore loo sii ambaqaado wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland.
“waxaa kale oo muhiim ah in waxyaalaha quruxda badan ee xafladaha lagu sheego laga dhabeeyo oo ladhadhansiiyo soomaalida ayuu guddoomiye Ismaaciil hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey.
Maalintii 2aad ee Shirka waxaa ka qeyb galayaasha loo qeybiyay 5 Koox oo dood iyo falaqeyn ka sameysay waxyaabaha lagu soo bandhigay Meesha iyo waliba sida aay ula muuqato in loo hirgaliyo Howsha Dib u heshiisiinta.
Maalintii 3aad ee Shirka oo aheyd Maalinta gaba-gabada shirka azaa waxaa kusoo biiray Shirka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Ali Kheyre oo faahfaahin ka bixiyay Muhimada Dib u heshiisiinta isago ugu baaqay dhamaan Soomlidu ineey u midoobaan dhibaatada jirta gacmahana is qabsadaan.