Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Dib u heshiisinta Qaranka dhamaan Xubnaha Guddiga iyo Shaqaalaha Guddiga waxeey tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Xoghayihii Guddiga Marxuum C/casiis Mukhtaar Qariidi oo Maanta oo taarikhdu tahay 27 April 2019 ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.
Xoghaye Qariidi ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Dalka waxuuna ahaa soo Noqday Gudoomiyihii shir gudoonka Shirkii Carta sidoo kale waxuu qeyb ka noqday 2005 Xubnii Guddiga Dib u heshiisiinta ee lagu soo dhisay mpekati waxuuna 14 sano ee ugu danbeyay ka shaqeynayey Guddiga Dib u heshiisinta waxuuna had aka mid ahaa Xubnaha Fulinta Guddiga.
Hadaba geeridaan naxdinta leh waxaan uga tacsiyeyneyna Umadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka geeriyooday dhamaan sabar iyo imaan Allaha naga siiyo Janatul Firdowsana Allaha geeyo.