Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta

TACSI

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Dib u heshiisinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse,  dhamaan Xubnaha Guddiga iyo Shaqaalaha Guddiga waxeey tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday  Marxuum Caaqil Xersi Xaaji Gaboobe oo ka mid ahaa Xubnaha ugu firfircoon Guddiga Dib u heshiisinta oo Maanta oo taarikhdu tahay 06 Jun 2019 ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa howlo fara badan usoo qabtay Qaranka waxuuna ka mid ahaa 135ta Oday dhaqameed ee soo xulay Xildhibaanada Qaranka, waxaa kale uu ahaa Dhaqan yaqaan xeer beegti gaamuray oo aqoon dheer u leh dhaqanka Soomaaliyeed.

Marxuumka waxaa maanta lagu aasay Isbitaal Madiino ee Magaalada Muqdisho sabir iyo iimaan Allaha naga wada siiyo

Hadaba geeridaan naxdinta leh waxaan uga tacsiyeyneyna Umadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka geeriyooday dhamaan sabar iyo imaan Allaha naga siiyo Janatul Firdowsana Allaha geeyo Marxuumka.