Guddiga Qaran ee Dib u Heshiisiinta

Iidaale: Doorka Guddiga Dib u heshiisiinta Qaran ee Deegaanka Iidaale

Jan 20 2007 GDQ wuxu heshiis dib u heshiisiined dhax dhigay beelaha (Yantaar iyo Hubeer) oo ku dagaalamay degaanka Iidaale, dagaalkas oo ay ku dhinteen 106 qof in ka badana ku dhaawacmeen, waxaa kaloo ka dhashay Barakac baahsan. Alle mahadi Guddiga waxa u suurto gashay in uu isu keeno beelihii dirirtu ka dhaxaysay halkaasna ay isku cafiyeen si wada jir ahna u bilaabeen dhismihi magaalada Iidaale oo marki hore dagaalladi lagu gubay.